Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo Safar Deg Deg ah ku tagi doona Wadamada Dariska

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in Dalalka Dariska la ah Soomaaliya qaarkood uu Safar deg deg ah ku tagi doono si wadamadaas uu u weydiisto Taageero Milatari,Maadaama Dowladda Federaalka ay hadda isku diyaarineyso Qorshe dagaal oo ka dhan ah Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Tagi doono Dalalka Itoobiya,Jabuuti iyo Uganda oo ka mida Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya,waxaana uu la kulmi doonaa Hogaamiyaasha Dalalkaasi.

Warar ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu qaadan doono Afar illaa Shan Maalin,waxaana Booqashada ugu horeysa uu ku bixin doonaa sida uu Qorshuhu yahay Wadanka Uganda oo ah dalka Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Gudaha wadanka Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxda Wadamada Jabuuti,Uganda iyo Itoobiya oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya kala hadli doona sidii Wadamadaas ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga Taageeri lahaayeen Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Dowladda Soomaaliya ay wado.

Safarka Deg Dega ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ku aadi doono Wadamada Dariska la ah Soomaaliya qaarkood ayaa imaanaya Xilli Madaxweynaha uu isugu yeeray 28-ka Bishaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada in ay Muqdisho yimaadaan si looga wada hadlo Arrimo ay ka mid yihiin in laga Jawaab celiyo Weerarkii lagu Xasuuqay Boqolaalka Shacabka ah ee ka dhacay 14-kii Bishaan Isgoyska Zoobe,iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in Safarka Madaxweynaha uu ka soo horeeyo Shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ee dhici doona 28-ka Bishaan sida uu Qorshuhu yahay.