Uncategorized

Madaxweyne Xaaf oo Maanta laga sugayo Magaalada Cadaado

Cadaado–KNN– Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Maanta tagaya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug,waxaana Magaalada Cadaado ka socota qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug oo ku maqan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Magaalada Cadaado u tagaya sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug sida ay Radio Kulmiye u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Magaalada Cadaado oo Maalmahaan marti gelisay Kulamo Gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Dhinacyada iska soo horjeeda ayaa Maanta ka badalan sidii ay aheyd Maalmihii hore,waxaana sidoo kale Magaalada lagu arkayaa Ciidamo aad u badan oo Sugaya Ammaanka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Maalmo ka hor sheegay inuu la safan yahay Xulufada Sacuudiga ee Xariirka u jaray Dowladda Qadar,halka Kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka horyimaadeen Go’aankaas.