Somali News

Mareykanka oo dacwad ku soo Oogaya Soomaali loo heysto in ay lacag lunsadeen

Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa warbixin ay shalay soo saartay eedo ugu jeedisay 47 qof oo lagu eedeeyey inay lunsadeen Boqolaal dollar, taasi oo loogu talagay dadka danyarta ah.

Dadkaan ayaa ku eedeysan in ay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo aheyd lacag loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyara ah intii lagu jiray xanniibadihii COVID-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtan la lunsaday ay tahay mid ay dawladda Federalka ee Maraykanku ku bixisay barnaamijyada quudinta ee xiligii uu xanuunka COVID-19 uu halka ugu daran marayey.

Dadkaan ayaa la filayaa in ay wajahaan xabsi iyo ganaax la xiriira lunsiga hanti dad wayne.