Somali News

Mareykanka oo ka carooday rag maxkamada sare ee Pakistan ay sii daysay

Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo afar nin oo dhawaan lagu waayey in ay afduubeen oo ay dileen saxafigii Maraykanka ahaa ee Daniel Pearls sannadkii 2002.

Garsooreyaasha ayaa sheegay in raggaas, oo uu ku jiro ninkii dembiileyaashaas hogaaminayey oo la yidhaa Axmed Cumar Saciid Sheekh iyo saddex kale, ay waajib tahay in la geeyo guri martiyeed oo ay dawladdu leedahay si ay muddo dhawr maalmood ah ugu nastaan iyaga oo aan xorriyadooda xayiraad la gelinayn.

Go’aankan Maxkamadda Sare ee dalkaasi soo saartay todobaadkii hore wuxuu burinayaa xukunkii hore ugu dhacay raggaas, waxaanay u cuskatay in aan caddaymo buuxa la soo hor dhigin.

Arintaas ayaa ka caraysiisay Maraykanka, hase yeeshee xukuumadda Pakistan ayaa qaadaysa tallaabo ay sii daynta raggaa racfaan kaga qaadanayso.