Somali News

Mareykanka oo ka warbixiyay duqayn lagu dilay sarkaal Shabaab ahaa

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa  waxaa lagu faah faahiyay  duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen  gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalka  Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday degmada Kuntuwaarey  ee ka tirsan Shabellada Hoose, isla markaana halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Balse ila iyo hadda ma uusan faahfaahin Talisku, magaca sarkaalka ay shegen in y dileen iyo sidoo kale shaqadii uu u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa, ee ka agdhawaa goobta uu weerarku ka dhacay, sida uu sheegay madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Jeneraal Joel Tyler.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan duqeymaha ay la beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.