Somali News

Markab Xoolo ka qaaday Berbera oo ku xayiran Jidda

Hargeysa-KNN-Xukuumadda Somaaliland ayaa xaqiijisay in uu jiro markab Dekada Berbera  xoolo ka qaaday oo dawladda Sucuudigu ay dib usoo celisay.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Soomaaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga lagu xanibay Markab siday xoolo laga dhoofiyey Somaaliland, isagoo sheegay in markii dowladda fedraalku ay ogaatay in Afar habeen kaddib in Markabkaasi uu ka tagay Berbera ay wafdi u dirtay Sucuudiga si loo waydiiyo warqada caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah.

Wasiir Gafaadhi ayaa sheegay in shir  ay iskugu yimaadeen Golaha wasiirrada Somaaliland, Madaxweynaha iyo Ganacsatada, lagu go’aamiyey in warqad caafimaad oo ay bixisay Soomaaliya aysan marnaba ku dhoofin Xoolaha Somaaliland.

 “Markabkaasi wuxuu ku tagay dalab ka yimid bangigii Islaamiga ahaa ee xilliga moosimka Xajka xoolaha qaadan jiray iyo ganacsadii Carabta oo dalbatay in Markabka la soo daayo waana la daayey oo waxa uu ku tagay damaanad ay bixiyeen oo ah in markabka la dejinayo Xoolaha, waxaasa ka daba jimid Soomaaliya oo  kasoo horjeeda nolosha bulshada Somaliland,” ayuu yiri wasiirka xannaanada xoolaha Somaaliland Xasan Gaafaadhi.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo dhowaan xanibaadii suuqyadeeda ka saarnaay xoolaha Soomaaliya ka qaaday ayaa sheegtay in dalkeeda ay ku gali karaan oo kaliya ogolaanshaha warqad Caafimaad oo kasoo baxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, waxaana arintaas ka carootay Xukuumadda Somaaliland.

Somaaliland ayaa dhowaan shaacisay in dowladda in Sucuudigu ay ka ogolaaday in si madax banaan ay ugu dhoofi karaan Xoolaha laga raro Dekeda magaalada Berbera.