Somali News

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Safiirka Masar?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed al-Saciid Axmed al-Baz.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka labada dal.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul-wasaararaha.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa maalmahan soo xoogeysanayay waxaana heshiisyo ay labada Madaxweyne Qaahira ku kala saxiixdeen.