Barnaamijyo Somali News

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku fulisay Cabdullaahi Cali

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo dilay Cabdulaahi Cali Huday bishii 09 – Nov – 2023.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Cabdisalaan Cali Axmed waxaa ay todobaadkii tagay ku riday xukun dil ah oo ah qisaasta Marxuumka uu dilay ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee Nisa iyo kuwa Booliska Magaalada Guriceel oo Maalmo boodi goobayay.