Uncategorized

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo baabi’isay natiijadii doorashada Madaxweynaha Kenya

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba burisay natiijadii doorashada Madaxtinimada Kenya ee dhacday 8-dii bishii Agosto ee sanadkan, taasoo uu ku guuleystay Madaxweynaha xilligan talada haya Uhuru Kenyatta.

Go’aan ka soo baxay Maxkamadda sare ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay natiijada doorashada, iyadoo ku amartay in muddo 60 cisho la qabto doorasho cusub.

Hoggaamiyihii Mucaaradka Raila Odinga ayaa dhowaan dacwad u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka Kenya, kaddib markii uu qaadacay natiijadii doorashadii dhacday 8-Agosto ee Guddiga doorashada ay shaaciyeen inuu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Raila Odinga ayaa sheegay inay la jabsaday nidaamkii codeynta Computer-ka, isagoo xusay inay dhacday ku shubasho.

Go’aankan ayaa ka dhigan in mar kale uu Raila Odinga soo noolaaday, waxaase la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta, waxaana laga cabsi qabaa inay dhacdo qalalaase ka dhasha go’aanka Maxkamadda

Waa markii u horeysay ee Taariikhda Afrika oo Maxkamad ay baabi’iso natiijada doorasho Madaxweyne.