Uncategorized

Muwaadiniin Kenyan ah oo ka cabanaya in aysan safri karin Cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab.

Nairobi-KNN-Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee aan heysan diinta Islaamka iyo kuwa aan u dhalan G/Waqooyi Bari ayaa ka cabanaya Gaadiid la’aan kaddib markii ay dowladda dhexe dadkaas ka mamnuucday in ay raacaan Gaadiidka dadweynaha ee gudaha isaga kala goosha cabsi laga qabo Al-Shabaab darteed.

Dowladda ayaa amarkan soo rogtay kaddib markii ay bateen weerarrada Al-shabab ee lala beegsanayo dadka aan reer Mandheeraha ahayn ee ka shaqeysta Gobolkaas.

Mark Mwolobi, oo ka mid ah dadkaas kana soo jeeda Gobolka  Bungoma,ayaa sheegay in muddo ay ku suganyihiin Mandheera islamarkaana ay ka quusteen in ay kabaxaan Magaalada iyada oo ay jirto cabsida laga qabo Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in la joogo xilliga Ciidda Kiristaanka islamarkaana aysan ehelladooda dib ula mudoobi karin,maaddaama aysan ka bixi karin Mandheera.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro jid gal ah ku qaaday Muwaadiniin badan oo kenyan ah kuwaas oo usoo shaqo tago Mandhera waxayna sababtay in ay Dowladda ka soo saarto digniin ah in aysan dadka aan Muslimka aheyn ay raacaan Gaadiidka dadweynaha maadaama hore Gaari loogala degay