Somali News

NISA oo sheegtay in la soo qabtay dad xiriir la sameeyay Al-shabaab

Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay 10 ruux oo xiriir la sameeyay Al-shabaab.

Qoraal lagu daabacay bogga NISA ee Twitter ka ayaa waxaa lagu sheegay in dadka ay siyaabo kala duwan ula maacaamileen Al-shabaab.

“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay Argagixisada. Hadda ka dib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka.