Somali News Uncategorized

Puntland oo fariin u dirtay Al-Shabaab iyo Daacish.

Garoowe-KNN-Wasiirka amniga maamulka  Puntland Cabdisamad Maxamed  Galan oo la hadlay warbahinta ayaa waxaa uu ka hadlay qorshaha kaga aadan dagaalamayaasha Al-shabaab iyo daacish.

Waxaa uu sheegay wasiirka  in inta uu xilka hayo uu Al-shabaab iyo daacsh ka saari doono deegaanada ka tirsan gobalka Bari.

Sidoo kale wasiirka ayaa uu ka hadlay shaqsiyaadka Al-shabaab iyo daacish lacagta siiya oo uu ula jeediyo ganacsatada ku sugan Magaalada boosaaso, waxaa uuna wacad ku maray in tilaabo adag uu ka qaadi doono.

Wasiirka ayaa sheegay in dhibaatada Amni daro ee Puntland ka taagan ay sabab u yihiin dagaalamayaasha ah ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Hadalka Wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Al-Shabaab iyo Daacish ay ku xoogan yihiin deegaano ka tirsan Gobalka Bari.