Uncategorized

Puntland oo Guddi u saartay Qiimeynta dadkii uu saameeyay Roob dabeyla iyo Duufaano wata oo ku dhaftay Xeebaha Puntland.

Garowe-KNN-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland Maxamed Cali Nuur oo loo yaqaano “Jubba”  ayaa ka hadlay saameenta ay dhaliyeen Roobab Dabeyla wata oo ku dhuftay qeyba ka mid ah Xeebaha Puntland.

Agaasimaha ayaa sheegay iney diyaariyeen Koox qiimeyn iyo gurmad u sameysa dadka kunool Deegaanada Xeebta oo ay saameyeen Roobab Duufaano watay oo halkaa ka da’ay saacadihii la soo dhaafay.

Waxa uu tilmaamay in Isitcmaalka Telefoonada iyo Baraha Bulshada uu ka saaciday si ay dadka la wadaagaan Digniinada Saadaasha ah ee Roobabka laga bixiyay, taasina ay yareesay Khasaarihii ay ka cabsida qabeen in Duufaanta geysato.