Somali News

Puntland oo mar kale fagaare ku fulisay amar horay uga soo baxay

Boosaaso-KNN-Ciidamada booliska gobalka Bari ee maamulka Puntland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degaanka Ceeldaahir ee gobalkaas waxa ay ku soo qabtee qaad si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyay deegaankaas oo la doonayey in dadka laga iibiyo, sida ay sheegeen saraakiishii hogaamineysay howlgalkaas.

Qaadka oo ku jiray dhowr juwaan ayaa ciidamadu waxa ay kasoo sareen guryo ku yaalla gudaha deegaanka Ceeldaahir, walow aan la shaacin dad loo soo qaban,waxaana lagu gubey fagaare ku yaalla isla deegaanka.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in qof walba ee lagu qabto, iyada oo qaad ama maandooriye kale soo gelineysa deegaanada gobolka Bari gacan adag ku qaban doonaan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ciidamada uga digay in ay ka qeyb qaataan qorshayaasha qaadka dhuumaaleysiga ah lagu soo geliyo deegaanada gobolka Bari.

Askarigii lagu qabto ka qeyb qaadashada maandooriye lasoo gelinayo gudaha Puntland ayuu sheegay in maxkamadd lasoo taagi doono.

Puntland ayaa kamid ah maamullada deegaanadooda ka mamnuucay in qaad lasoo geliyo, iyadoo tallaabooyinkaasna looga hor tegayo xanuunka dunida oo dhan sida xowliga ah ku gaaray  ee Coronavirus, kaas oo kiisaskiisa laga diiwaan geliyey magaalooyin gudaha dalka ah, oo ay ugu horreyso Muqdisho.