Somali News

Puntland oo xaalad Abaar ah looga dhawaaqay

Garowe-KNN-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulkaasi ayaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland ka sheegay in xaalad Abaar ah ay ka jirto degaanada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in degaanada ay ku badan-yihiin dadka xoola dhaqatada ah iyo kuwa reer guuraaga ah ay ka jirto Abaar daran islamarkaana ay u baahan-yihiin gurmad deg deg ah.

Hey’adaha samafalka, Maamulka Puntland iyo DFS ayey ugu baaqayn in ay ka qeyb qaataan gurmad lala soo gaaro dadkaasi Abaaraha ay saameeyeen. Puntland waxay sheegtay in hadii aan hada gurmad lala gaarin degaanada ay abaartu ka jirto ay ka dhalan karto saameen ballaaran oo dadka iyo degaanka raadad ku reebta.