Uncategorized

Qaar kamid ha deegaanada Galmudug oo ay ka dilaaceen Cuduro.

Dhuusamareeb-KNN-Qaar ka mid ah deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dilaacay cudurada ka dhasha biyaha sida Malaariyada, Shuban biyood iyo kuwa la midka ah.

Wasiirada Wasaarada Caafimaadka Galmudug Naciima Maxamed Maxamuud oo la hadashay Idaacada Kulmiye ayaa sheegtay in ay korortay tirada dadka ee cuduradaas ay soo ridanayaan.

Wasiirada ayaa sheegtay in deegaanada ugu badan ee cudurada ay ka dilaaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanada gobolka Galgaduud halka sidoo kalane ay tilmaantay in gobolka Mudug deegaano ka mid ah ay ka jiraan cuduradaan.

Wasiirad Naciima ayaa sheegtay in hay`adda caafimaadka aduunka ee WHO ay ka dalbadeen in ay ka caawiyaan wax ka qabashada cuduradaani ka dilaacay deegaanada maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii wasiirada ayaa dowladda iyo hay`adaha samafalka waxey ka dalbatay in ay ka qeyb qaataan ugurmashada dadkaasi.