Somali News

Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka Afrika ugu dhinta Kansarka sanad kiiba

Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in qaaradda Afrika ay daqiiqad waliba ay qaadayaan cudurka Kansarka dad gaaraya 1.1 milyan oo qof, halkaasoo ilaa 700,000 oo qof, oo uu saameeyey Kansarka ay u dhintaan sanad waliba.

Aggaasimaha Xarunta Dabagalka Afrika, Dr. Matshidiso Moeti, ayaa sidaas ku sheegtay Axaddii khudbad ay ka jeedisay munaasabadda maalinta AIDS-ka adduunka, oo hal ku dhigeedu ahaa ‘Hagaajinta Siyaabaha loola tacaalo Cudurka Kansarka: Aan ku biirinno codkeenna, si aan tallaabo u qaadno’.

Waxay sheegtay in saadaasha hadda la sameeyay ay muujinayso in 50% carruurta, ay cudurkan ku dhalan karayaan qaaradda Afrika, marka la gaaro sanadka 2050-ka, ayna tahay khatar aad u weyn.

Waxa ay intaa ku dartay in tirooyinkan ay muujinayaan in la saadaaliyay inay kor u kaceyso dhimashada dadka u dhimanaya kansarka, oo ay gaarayso illaa hal milyan sanad walba, marka la gaaro 2030, haddii aan la qaadin tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.