Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qeyb galay kulanka golaha QM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamse Abdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay furitaanka Kalfadhifga 78aad ee Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay oo saaka si rasmi ah uga furmay xarunta Q.M. ee New York.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo kulanka golaha, isaga oo kaga hadli doona xaalada guud ee dalka.