Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ka qeyb galaya
Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ee ka socda New York.