Uncategorized

Roobab dabeylo xoogan wata oo ka da`aya deegaanada Putland

Boosaaso-KNN-Waxaa xalay ilaa maanta sii kordhaya roobab dabeyla wata oo horay cir bixiyeenadu ay u digeen ayaa ka da`ay qeybo ka mid ah gobolka Bari.

Magaalada Boosaaso ee gobolkaasi ayaa kamid ah meelaha ay ka da’een roobabka ugu xoogan , waxaana tog magalaadaas mara ku dhintay sadex dhalinyaro ah oo gaari ay wateen togga kula qalibmay.

Dadka ku sugan Boosaaso ayaa Idacada Kulmiye u sheegay in tuulooyin ka tirsan Gobolka Bari ay ka jiraan dabeylo awood leh lagana cabsi qabo in ay saameeyaan nolosha dad badan oo ku nool deegaanada gobolka iyo gobola kalaba.

Sida shalay lagu baahiyay wargeysyada qora Saadaasha hawada  duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya ayaa la saadaaliyay in ay ku dhufanayaan Gobolada dhaca waqooyiga Soomaliya , waxaana ay dabeyluhu ka imanayaan sida la shegay Bada Cas.

Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.