Somali News

Sheekh Shariif oo dalbaday in dalka aan loo dhibaateynin naceebka qof gaar ah

Garowe-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay boqolaal katirsan Arday Puntland ayaa dalbaday in qof gaar naceeb loo qabo aan dalka loo dhibaateynin.

Sheekh Shariif ayaa arday u sheegay in Soomaaliya ka soo kabaneyso dhibkii gaaray hadana ay ku sugan tahay meel wanaagsan, balse waxa uu sheegay in dhib badan lagu soo gaarsiiyay halka ay maanta joogto.

“Soomaaliya meel wanaagsan ayey joogtaa waxaana laga soo maray dhib badan”, ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Naceebka qof gaar ah aad u qabto dalkaaga ha u dhibaateynin, dalka qof waa ka weyn yahay” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.