Somali News

Siciid Deni oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Wareegto ka soo baxaday xafiiskiisa ku magacaabay G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed Guddoomiyaha Maxkameda Ciidamada Qalabka sida

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1• Waxaa G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

2• Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.