Uncategorized

Sirdoonka Kenya oo ka digay Weeraro Al-Shabaab ka geestaan G/Waqooyi Bari Kenya.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Police-ka Kenya ayaa war kasoo baxay waxaa lagu Sheegay in Al-Shabaab ay qorsheeynayaan Weeraro Lixaad Leh in ay ka geesteen Xadduuda ay wadaagaan wadamada Soomaaliya Iyo Kenya, inta lagu gudo jiro Bishan Barakeeysan ee Ramadaan.

Warkan Sirdoon ee Kenya ay Faafisay ayaa lagu sheegay in Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay isku dayayaan in ay kasoo Gudbaan Xadduuda oo ay Yimaadaan Countiyada Wajer, Mandera  Iyo Gaarisa.

Police-ka ayaa digniin waxa ay u gudbiyeen guud ahaan Bulshada waxa ayna dadka usoo jeediyeen in ay Feejignaadaan.

Barta ay Mareegta Twitter-ka ku leeyihiin Taliska Police-ka Kenya ayaa lagu qoray Warkan Maalimadii Shalay aheyd Galinkii dambe.

Al-Shabaab ayaa horay u Sheegay in ay kordhinayaan weerarada ay ka geestaan Gudaha Kenya inta lagu Gudo jir Soonka, Iyada oo Ciidamda Kenyana ay iyana horay u sheegeen in ay udiyaar garoobeen in ay iska Difaacaan weerarada Al-Shabaab ay Suuragalka tahay in ay ka geestaan Gudaha Kenya.