Somali News

Somalia oo si rasmi ah loogu wareejiyey Furaha Hagidda Hawada Somalia

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee dalka Kenya iyo maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr. Kamil Al-Awadhi.

Shirka ayaa dhinacyadu isku raaceen in wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya oo markii hore aysan heysan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa sheegay in heshiiskan Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya uu yahay mid miro-dhal ah oo muhiim ah hawada iyo duulimaadyada Soomaliya.

Kulanka ayaa dhan kale looga hadlay xoojinta iskaashiga hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA iyo hey’adda duullista rayidka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isla meeldhigay in la soo celiyo mataalada iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA.