Somali News

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulan kula qaatay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York Dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, oo ay ka wada qeybgalayaan shirka 77aad ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga, kordhinta isdhaafsiga ganacsiga, cunto yarida, abaaraha iyo howlaha Golaha Dowladaha dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Labada wasiir ayaa caddeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.