Somali News

Taageerayaasha Donald Trump oo gudaha u galay xarunta Capitol oo lagu ansixinayay Joe Biden.

Taageero yaasha madaxweynaha kursiga baneynaya ee Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol ee magaalada Washington halkaas oo uu ka socday kulan labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka ku ansixinayeen madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Xildhibaanada ayaa laga saaray dhismaha kadib markii hoolka ay ku shirayeen ay galeen taageerayaasha Trump oo careysan islamarkaana qeylinaya.

Ilhan Omar oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegtay in ay badqabto balse ay ka qalbi jabsantahay kana xun tahay waxa ka dhacay xarunta Baarlamaanka.

Nancy Pelosi oo hogaamisa Congresska Mareykanka ayaa ka dalbatay Donald Trump in uu taageerayaashiisa u sheego in ay ka baxaan xarunta Capitol.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden oo goordhaw hadlay ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyada Mareykanka.