Uncategorized

Tahriibayaal Soomaali ah oo la soo badbaadiyay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Ilaalada Badda ee Dalka Giriigga ayaa soo badbaadiyay Muhaajiriin ka soo jeeda Wadamo ay ku jirto Soomaaliya kuwaas oo doonayay in Dalalka kale ee Yurub uga sii gudbaan Dalka Giriigga.

Ugu yaraan 71 qof oo ay ku jiraan Caruur iyo Dumar ayaa la soo badbaadiyay kadib markii doon ay saarnaayeen kula qalibantay Biyaha Gairiigga.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa la sheegay in ay u dhasheyn Soomaaliya, Suuriya iyo Suudaan waxaana ku jira jiraan 20 caruur ah iyo 22 haween ah sida ay ku warameyn Booliska Dalkaasi.

Afayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in ay Xaalad aad u adag ku jireyn Dadkaan markii la soo badbaadinayay balse ay hada xaaladooda kazoo raaneyso.

Soomaali badan ayaa ka Gudbay Biyaha Giriigga kuwaas oo usii gudbay Wadamada kale ee Yurub.