Somali News

Taliska Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaano u dhaw Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii dambe ee maanta nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee Gobolka Galguduud ku dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Talyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen goob ay isku arruursanayeen Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Talye Odowaa ayaa tilmaamay in ay dileen 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, iyada oo uu sheegay in la burburiyay fariisimo ay isku diyaarinayeen.

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa dhaqdhaaqyo Ciidan ka wada Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, kaasi oo ka dhan ah dagaalameyaasha al-shabaab.