Uncategorized

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo dhaawacay Kuxigeenkiisa

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday mid kamid ah Lugihiisa.

Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababtay in taliyuhu uu bastoolad u xirnayd la baxo oo rasaas ku furo guddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Goobjooge ayaa u sheegay Warbaahinta in shaqaaqadan ay ka dhacday shir dhinaca amniga looga hadlayay oo ka dhacay hotel ku yaalla Magaalada Garowwe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Shirkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, Guddoomiyaha Gobalka  Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Labadan mas’uul ayaa isku qabsaday mas’uuliyadda amniga gobolka Nugaal gaar ahan ciidanka amniga gudahiisa.

Taliyaha Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa dhowaan waxa shaqadiisa dib ugu celiyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas kaddib xil ka qaadis u horay ugu sameyay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin xaaji Cumar Cameey.

Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii sidan oo kale gacan ka hadal dhexmaray saraakiil booliska ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wasiirkii Amniga xiligaas Cabdi Xirsi Cali Qarjab.