Uncategorized

Taliye Gorod ” la taliyaha Madaxweynaha ee amniga, shaqadiisa maahan arimaha Ciidanka.

Muqdisho-KNN-Gen.Cabdiwali Jaamac Gorad taliyaha ciidamada xooga Soomaaliya ayaa ka jawaabay warqad ka soo baxday xafiiska la taliyaha arimaha amniga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Warqada uu soo saaray la taliyaha arimaha amniga madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arimo khuseeya Ciidanka oo ay qeyb eheyd In sirta ciidanka aan lala wadaagin beesha caalamka iyo inaan amar la’aan la qeybin rasaasta iyo hubka ciidamada.

Gen.Cabdiwali Jaamac Gorad taliyaha ciidanka xooga dalka oo soo saaray warqad jawaab u eheyd mida La taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay ineysan shaqadiisa eheyn ka hadalka arimaha ku saabsan Ciidanka.