Somali News

Tirada Dhimashada dhulgariirkii Turkiga oo gaartay 2000

Waxa sii kordheysa tirada dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Turkiga iyo qeybo ka mid ah dalka Suuriya.

Tirada dhimashada marka la isu geeyoTurkiga iyo Suuriya ayaa ilaa iyo iminka ka badan 2,000 oo qof.

Xaaladda ayaa sii murugtay ka dib markii dhul gariirkii labaad oo cabirkiisa lagu sheegay 7.5, uu ku dhuftay degmada Elbistan ee gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkiga.