Somali News

Trump oo la filayo in uu soo saaro amaro ka hor inta uusan ka tagin xafiiska.

Madaxweynaha dalka Maraykanka aya ala filaya in uu amar ku bixiyo in ciidamo dheeraad ah laga soo saaro dalalka Afghanistaan iyo Ciraaq sida warbaahinta ay kasoo xigteen saraakil ka tirsan wasaarada difaaca dalkaasi.

Ciidamada ku sugan Afghanistaan oo haatan tiradoodu tahay shan kun ayaa kala bar la dhimmi doona, halka kuwa ciraaq joogana laga dhimmi doona ilaa seddex kun ama labo kun iyo shan boqol oo askari.

Madaxweyne Trump wuxuu horey u sheegay inuu doonayo “dhamaan” ciidamada in guryahooda ku laabtaan marka la gaaro ciidda masiixiga ah ee Kirismiska.

Madaxweyne Trump ayaana illaa iyo haatan aqbalin in looga guulaystay doorashada