Uncategorized

Wafdi Wasiiro ah oo gaaray magaalada Boosaaso

Boosaaso-KNN-Wafdi Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ee Puntland.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaaya wasiirka amniga, waxaana qeyb ka ah, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, wasiirka Beeraha, Siihayaha wasiirka Gargaarka, wasiiru dowlaha Maaliyadda, wasiiru Dowlaha X,Reysulwasaaraha, wasiirkuxigeenka Amniga.

Xubnahaan ayaa ka qeyb galaya Xaflad dhaqanka ah oo ka dhacaysa Boosaaso maalinta Berri ah sida ay sheegeen xubno ka tirsan Wafdiga.

Sidoo kale Wafdiga ayaa ka qeyb galaya Xafladda Caleema saarka Ugaas Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil Beel-daaje Xaaji taas oo ka dhaceysa Xarunta Ganacsiga Puntand ee Boosaaso.