Uncategorized

War Deg Deg ah:- Qaraxyo is xig xiga oo ka dhacay Degaanka Af-urur Ee Gobolka Bari

 Af-urur–KNN–Saldhig ay ciidanka Puntland ku lahaayeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari ayaa goor dhowayd waxaa ka dhacay labo qarax.

Qaraxyada waxaa lasoo hoosgeliyay kabarada Qaadka lagu iibiyo, waxaana lagu aadiyey xilli ciidan badan halkaasi qaad ka qaadanayey.

Qaraxa kowaad marku dhacay ciidamada ayaa isku dayey inay dadka waxyeelobay qaadaan, kadibna waxa dhacay Qarax labaad.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse weli si rasmi ah looma faah faahin. Wararka qaar waxay sheegayaan in dhimashadu marayso 15 qof oo u badan ciidanka Puntland.

Bishii June ee sanadkaan ayay ahayd markii tuulada Afurur uu ka dhacay weerar lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland, weerarkaas oo ay sheegteen Al-shabaab.