Somali News Uncategorized

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 132 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 7 qof ayaana u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay dhamaan gobalka Banaadir (132) qof, 83 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 49-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5,632 waxaa bogsootay 3,757 Ruux. guud ahaan 179 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Wasiir Fowsiyo ayaa waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.