Somali News Uncategorized

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 117 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 7 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 36 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (83), Somaliland (32) iyo Jubbaland (2) qof, 73 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 44-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,438 waxaa bogsootay 4,004 Ruux. guud ahaan 307 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.