Somali News

Wasiir Xaniifa” waa inaan iska kaashanaa la dagaalanka Al-Shabaab”

Wasiirka Haweenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xaniifa Maxamed Xaabsade  oo warbaahinta kula hadashay magaalada Waajid ayaa waxaa ay ka hadashay dhibaatada ka jirta degmaadaasi, iyo go’doonka ay Al-Shabaab ay saareen degmadaasi.

Xaniifa ayaa sheegtay in Al-shabaab  ay cunaqabateyn saareen degmada Waajid iyo degaannada kale ee hoostaga, waxaana shacabka  ay ugu baaqday in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay tilmaamtay in muhiim tahay sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay degmada Waajid ee gobolka Bakool , iyadona arintan ay saameyn ku yeelatay shacabka ku nool degmadaasi.