Somali News Uncategorized

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya oo geeriyooday

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr  ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi, ee dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen ehela marxuumka.

Marxuumka dhintay, ayaa ka mid ahaa xubnihii golaha wasiirada ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi sannadkii 2004, markaasi oo dalka madaxweyne ka ahaa Alaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

General Cabdiraxmaan wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, sida taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa hawlgelinta Ciidanka Qaranaka, milatari ataajeega Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibeda ee Wasaarada Gaashaandhiga, Xildhibaan iyo Wasiir Gaashaandhiga. 

Madaxda Dawlada Federaalka ayaa tacsi u diray ehelkii, asxaabtii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeryooday General Cabdiraxmaan Cali-beyr.

Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee  Gobolka Sanaag sanadkii 1935. Marxuum Cabdiraxman wuxuu waxbarashadiisii militariga ku soo qaatay wadamadda Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeetka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray. Wuxuu kaloo waxbarsho la xidhiidha militariga ku qaatay dalka Mareykanka. Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu ka qeyb galay dagaalkii 1964 oo ku dhawaacmay, biladna lagu siiyey. Ilaahay ha u naxariisto General Beyr,