Somali News

Weerar ka dhacay Baardheere

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada xoogga iyo kuwa Al-Shabaab

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goobjooagayaal  ayaa KNN u sheegay inay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaar sanayeen labada dhinac.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu  qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidanka Soomaaliya