Somali News

Xasan Shiikh oo Sheegay in ciidamo ka tirsan DFS ay soo weerareen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay Ciidanka dowladda weerar ku soo qaadeen hotel Maida oo ku sugan yahay isaga iyo madaxweynihii hore Sharif Shiikh Ahmed.

Xasan Shiikh ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan.

Hadalka madaxweynihii hore ayaa kusoo aaday iyadoo uu saacad kadib markii uu istaagay iska hor imaad culus oo Muqdisho ka socday, Kaasoo u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa musharrixiinta.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhacay