Somali News

Xiisad Kadhalatay diiwan-gelinta doorashooyinka oo ka taagan Garoowe

Xiisad la xiriirta diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod ayaa ka aloosan caasimadda Puntland ee Garoowe.

Cutubyo ka tirsan ciidanka oo diidan barnaamijka diiwaan-gelinta ayaa sida la xaqiijinayo ku hareeraysan goobo loo qorsheeyay in lagu qabto diiwaan-gelinta.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa nawaaxiga jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in halkaas ay isku hor-fadhiyaan ciidamada diidan barnaamijkan iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta.

Ciidamada diidan diiwaan-gelinta lagu muransan yahay oo uu hoggaamiyo S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa habeen ka hor digniin u jeediyay Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale ciidamo dheeri ah ku soo daabulay Garoowe si ay u socod-siiyaan barnaamijka diiwaan-gelinta.