Uncategorized

Xildhibaan Saabir”hadalka Xeerilaaliyaha waxaa ka dambeeya Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha

Dubia–KNN– Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo asagoo ku sugan Wadanka Imaaraadka Carabta la hadlay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa wax lala yaabo ku sheegay hadalka Maanta ka soo yeeray Xeerilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Mudane Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in Warka ka soo baxay Xeerilaaliyaha Qaranka uu yahay been abuur ah iyo War aan Sal iyo Raad midna laheyn,wuxuuna Tilmaamay in Hadalka Xeerilaaliyaha ka soo baxay uu yahay mid Sharci daro ah oo Xaqiiqda ka baxsan.

“Eeda naloo jeediyay waxaan aaminsanahay in aysan ka imaan Xeerilaaliyaha,balse ay ka timid Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Mudooyinkaan Dagaal iyo Caburin ku hayay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Maanta ayey aheyd markii Shir Jiraa’id oo uu Saxaafadda ugu qabtay Magaalada Muqdisho Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir uu ku sheegay in Labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ay Dhaqaale ku soo qaateen Duminta Qaranka,waxaana uu Guddoonka Golaha Shacabka ka dalbaday in Xasaanadda laga qaado.