Somali News

Xildhibaanka tirsan Maamulka Jubbaland oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan, Isaaq Sandheere oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland ayaa caawa kooxda hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho

Goobjoogeyaal ayaa inoo xaqiijiyay in rag hubeysan rasaas ku fureen Xildhibaanka, isaga oo ka soo baxay masjid uu salaada maqrib uu ku tukaday.

Allaah ha u naxariistee, Xildhibaan Sandheere waxa uu horey usoo noqday Wasiir ku xiigeenka Amniga Jubbaland iyo Wasiiru dowlaha Amniga.

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe oo qoraal soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanka, isaga oo u rajeeyay janadii Fardowso in Alle ugu deeqo.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ku geeriyooday rasaas ay ku fureen kooxo hubaysan isagoo kasoo baxay masaajid uu ku tukaday Saladii makhrib ee Caawa.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.