Uncategorized

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay in Dalka uu ku jiro Xaalad ka Xun Xilligii Guumeysiga

Muqdisho–KNN– Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kula ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda uu Dalka hadda maryo,waxaana ay sheegeen in Xaalada Soomaaliya ka jirta ay ka xun tahay sidii Dalku uu ahaa Xilligii Isticmaalka ee Dalku uusan laheyn Madax Banaani sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Xildhibaan Axmed Xaashi Maxamuud oo ka mida Aqalka Sare.

Waxaa ay sheegeen Xildhibaanada Maanta ku shiray Muqdisho in Dalka Soomaaliya iyo Dadkiisaba lagu hayo Dagaal Nuucyo badan leh islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago.

“Soomaaliya waxaa Dagaal Toos ah iyo mid aan Toos aheynba ku haya Dowladaha Dariska ah,madoonayaan in Soomaaliya ay Cagaheeda isku taagto oo ay ka soo kabsato Dagaaladii Sokeeye ee Dalka soo maray”ayey dhaheen Xildhibaanada.

“Waxaa Maalin cad Garoonka Diyaradaha Muqdisho laga dhoofiyay Muwaadin Soomaaliyeed,waxaana loo gacan geliyay Itoobiya oo ah Dal cadaw ku ah Ummadda Soomaaliyeed”ayey ku dareen Hadalkooda Xildhibaanada Maanta shiray.