Uncategorized

Yuweri Musaveni”Ciidamada AMISOM ma ahan Shaqaale ka tirsan QM”

M/weynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa sheegay in ciidamada ka jooga jooga Soomaaliya ay aheyn kuwa u shaqeeya Q,M hase ahaatee ay yihiin ciidamo haya shaqo uu u dirsaday ururka Midawga Africa.

M/weyne Musaveni waxaa uu hadalkaan shaaciyay kadib markii uu magaalada New York ku shir gudoomiyay kulan ay ka qeyb galeen madax ka socotay wadamada ay ka socdaan ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM ee Soomaaliya ka hawlgala.

Shirkaas oo looga hadlay xoojinta awooda ciidamada iyo dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab ayaa M/weynaha Uganda waxaa uu sheegay in ciimada Soomaaliya ka jooga ay yihiin kuwa haya shaqa uu ku tilmaamay Afrikaanimo ah hase ahaatee ay shaqaale u aheyn Q,M ama xataa dawlada Soomaaliya sida uu yiri.

“Shaqada ay ciidamadeenu Soomaaliya ka wadaan waa hawl Afrikaanimo ah oo aan ku caawinayno Soomaalida ee ma nihin shaqaale Q,M” ayuu yiri M/weynaha Uganda.

Warbaahinta Uganda ayaa baahiyay in M/weyne Musavani uu u sheegay madaxdii ka qeyb gashay shirkii ka dhacay magaalada New York in Q,M ay fududeyso hawlaha farsamo ee shaqada ciidamada AMISOM ku baxaya hase ahaatee loo baahanyahay in dawladaha ay ka socdaan ciidamada Soomaaliya in hawsha ciidamadu tahay mid loo qabanayo si Afrikaanimo ah.

Shirka uu hadalkaan ka sheegay M/weynaha Uganda waxaa ka qeyb galay madax ay ka mid ahaayeen R/wasaarayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo wakiilo wasiiro u badan oo matalayay dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM iyo taliyaal ciidan sida uu baahiyay wargayska Daily Monitor oo Uganda kasoo baxa.

Ciidamada AMISOM oo Soomaaliya ku jooga go’aanka Midawga Africa iyo ogolaanshaha Q,M ayaa waxaa dhanka farsamada ka taageero dawladaha deeqaha bixiya iyo Q,M.