Muqdisho-KNN-Degmada Wadajir waxa ku yaalla Isbitaallada Madiina iyo kan Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, laakiin nasiib daro dhaawaca, cunug jiran iyo hooyo foolaneysa midna lama gaarsiin karo, sabab la xariirta wadooyinka gala oo xiran.
Ma jirto hal wado oo furan oo tagta Isbitaalka , waxaa xiran tan KM5, Dab-demiska nawaaxiga Seybiyaano, iyo wadada Korantada oo Villa Baydhaba ilaa Isgoyska Banaadir tagi jirtay.
Labada Isbitaalna marin u ahaan jirtay iyo tan kale Isbitaal Madiina hormarta, sidoo kale dhinac mareysay Banaadir ee aadda xaafada Nasteexo, waaxda Xaawa-Taako ee degmada Wadajir, iyada ayaana u dambeysay meelaha aadka loo xiray, oo dadka Moota Bajaajta saaran xitaa iska daaye ,gaari gacanka xitaa meel uu maraa aaney jirin!!.
Waxa furan midda ka tagta KM5(Zope) ee u sii gudubta Dharkeenlay nasiib darrose dhibtu waxa ay ka taagan tahay, biyo ayaa fadhiya nawaaxiga Iskuul Jabuuti ama xaafada Ceel-qalow. Shalay oo u dambeysay Bajaajle ayaa lacag ii soo celiyey oo igu yiri Iskuulka Jabuuti ayaan ka noqonayaa ee dhanka kale ee biyaha Bajaaj kale ka raac!!!. Xitaa baabuurta waa weyn baa ku dhiban, culeys baa ka jiray dadkuna wareeg dheer ah bay sameynayeen, si ay wadada u maraan.
Degmada Wadajir waxa ay ka kooban tahay Afar waaxood oo kala ah, Gen.Daa’uud, Xalane, Tima-Cade iyo Xaawo-Taako, hal-waax kaliya oo tan Tima-Cade ayaana u muuqan aag-dagaal ama lagu goynin dhag-xaanta noqday gaashaan iyo wax la dugsado, balse sawir xun ka bixinaya muuqaal magaalada caasimada ah, dhibaatana ku ah nolosha bulshada.
Saddexda waaxood ee kale ee xiran way ka muhiimsan yihiin, waxaana ku yaalla ama mara wadooyinka degmada ku xiran magaalada inteeda kale, si ay uga dukaamaysi tagaan ama uga soo adeegtaan Suuqa-weyn ee Bakaaraha ama dano waxbarasho iyo mid shaqo u tagaan magaalada inteeda kale.
Waxaa qiima koror ku yimid badeecadaha qaar ee suuqyada iyo dukaamada degmada sababa la xiriira wareega dheer iyo dhibaatada ay ku qabaan wadooyinka.
Waxaa jirta maah-maah dhaheysa “ Dhis ama fur waddo si aad u noqoto taajir ama qani”.
Laakiin degmada Wadajir in ay wado dhisto iska dhaafee, waxaa xirmay wadooyin laami ahaa oo gebi ahaanba laga quustay, in waddo ahaan loo isticmaalo sababa isugu jira xirnaashaha, bur-bur iyo biyaha roobka oo weli qaar ay bdhex ceegaagaan oo ay adagtahay in la maro.
Waxa ay dadkeeda leeyihiin hada hal heyska carruurta ee ahaa “ Inteen ka baxaa, meel Alle”.
Dhibaatadan degmooyinka gobolka oo dhan bay ka jirtaa, laakiin Wadajir waxa u dheer in labada Isbitaal dhexdooda dadka ku nool, in aysan tagi karin, magaalada inteeda kale!!!!!.
Ciidanka booliiska oo la yiraahdo waa wehelka bulshada kama ag foga meeshan oo ay dadka ku silcayaan, waxaanna qabaa in amnigana dhawri karaan, bulshada u furi karaan dariiqa, haddii ay yeelan waayeen damqashadaas, madaxda ka sareysa ee la doortay waxaa looga fadhiyaa in ay dhibadaan wax ka qabtaaan!!!!!!!!!!!!!.
W/Q Axmed Siciid Axmed.


