Wararka naga soo gaaraya deegaanka Gaabo-gabdoolle oo hoostaga magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu qarax ku halleelay Gaari Bas ah oo ay Shacab saarnaayeen.
Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka la geliyo uu burburiyay gaariga ay ku safrayeen dadkan Shacabka oo nuuciisa ahaa Caasi.
Dhammaan dadkii saarnaa gaariga ayaa la soo warinayaa in ay halkaasi ku geeriyoodeen.
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo halka ay wax ka dhaceen ka dhowaa ayaa soo gaaray goobta. Saraakiisha Ciimada ayaana falkaan ku eedeeyay dagaameyaasha Al-shabaab.
Ma jirto cid ilaa hadashay qaraxan, balse wadadaasi waxaa dhowr qaraxyo loogu gaystay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo halkaasi ka howlgalla, dagaalkana kula jira Al-shabaab.