Somali News

Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo dhawaacisa lageeyay Turkiga.

Muqdisho-KNN-Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maalintii Axadii ku dhaawacmay qarax lala beegsaday sidoo kalana gabaldhicii shalay loo qaaday dalka Turkiga si loogu soo dabiibo ayaa la gaarsiiyay DalkaTurkiga.

Waxaana Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Ibrahim MOALIMUU la gaarsiiyay magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkey, Ambassador Jaamac Ceydiid ayaa sidoo kale isbitaalka ku booqday dhaawaca Macallimuu.

Dhanka kale Xaalada Macalimuu sida ay KNN u xaqiijiyeen Qaar kamid ah eheladiisa aad ayay u wanaagsan tahay, iyadoona haatan sy docoto baxnaanin iyo daaaweeynta Dhawaca Macalimuu.