Somali News

Askari soomaaliland oo xalay lagu dilay Laascaanood.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay  halkaasi lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Somaliland.

Goobjoogayaal ku sugan laas caanood  ayaa waxaa ay  KNN u sheegeen  in gudaha Laascaanood lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland, gaar ahaan ilaalada xabsiga dhexe ee degmadaasi.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ilaa iyo hada ma jirto cid loo qabtay dilka askariga.