Somali News

Axmed Madoobe”Waa la dhameeyay Khilaafka u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo Jubbaland’.

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo xalay R/wasaaraha xukuumadda soomaliya iyo wafdigiisa loogu sameeyay Magaalada Kismaayo ayaa ka sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda soomaaliya iyo maamulka Jubbaland Wada-hadaladda beryahaan dambe ka socday kismaayo uu guul ku soo dhamaaday.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay isna dhankiisa in Safarkiisa Kismaayo uu ku soo dhamaaday Guul iyo Miro dhal ku saleysan Isfaham iyo in si dhab ah Dowlada dhexe iyo Jubbaland ay xoojiyaan Wada shaqeynta loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed.

Kheyre iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa maanta in magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan kaddib maalmo ay soo joogeen magaalada kismaayo ee gobalka jubbada hoose.